U bood dhigaalka

MAQAL: Hay’adda Duulista Iyo Saadaasha Hawada Oo Ka Warbixisey Diyaaraddii Kusoo Dhacday Gaaroonka Aadan Cadde

Sheeko:Dalka

Ha’yadda Duulista iyo saadaasha hawada ayaa faah faahin dheeraad ah waxay ka bixisey diyaarad yar oo maanta kusoo dhacday garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha hay’adda Cali Axmed Macallin oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in diyaaraddan laga lahaa dalka Maraykanka, waxaana wararka ay sheegayaan iney lahayd shirkadda Bancroft oo ah shirkad amni oo cciidamada AMISOM ka taageerta dhanka ammaanka iyo tababarka ciidamada.

Diyaaraddan ayuu xaqiijiyey iney ka timid dalka Uganda kuna soo wajahneyd magaalada Muqdisho, balse markii ay damacsaneyd iney soo degto ay cagihii usoo bixi waayeen, duuliyihiina uu gaaray go’aan ah in diyaaradda ay candhada dhabaha dhigato dhabaha ay diyaaradaha ka haadaan.

Diyaaradda ayuu sheegay iney waddey Kaargo, ayna saarnaayeen 4 shaqaale ah ayna badqabaan dhammaan shaqaalahaasi.
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay iney dib u celiyeen diyaarado badan oo kusoo socday magaalada Muqdisho, qaarkoodna ay joogaan Gaalkacyo, Baydhabo, Hargeysa, Wajeer ayna imaan doonaan badi caawa oo noqon doonta markii ugu horreysay oo diyaarado ay habeen kasoo degaan garoonka Muqdisho.

Diyaaraddan ayaa saameysay saacado in garoonka Muqdisho aanu shaqeyn, maadaama ay ku dhacday halkii ay diyaaradaha imaanaya kusoo degi lahaayeen.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka agaasimaha

Goobjoog News