U bood dhigaalka

MAQAL: Shariif Xasan Oo Ku Baaqay In Lala Shaqeeyo Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Aadan oo habeenkii xalay ahaa hadal kooban ka jeediyey xafladdii lagu soo dhoweynayey madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa gaaray London ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed iney ka shaqeeyaan nabadda iyo midnimada.

Shariif Xasan ayaa tilmaamay in haddii ay yihiin madaxdii dalka in iyaga oo mideysan gaareen magaalada London, kana go’an tahay in markaan ay ka shaqeeyaan horumarka iyo dowlad wanaag.

Sidoo kale Shariif Xasan ayaa kula dardaarmay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iney la shaqeeyaan dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

“Annaga Midnimo Midnimo iyo walaalnimo ayaan u wada soconnaa, wixii lasoo marayna waa lasoo maray, waxaan rajeyneynaa in dhammaanteen aan ka wada qaadanno inaan la shaqeynno madaxweynaha haddii aan nahay maamul goboleed, shacab iyo Qurbejoog, aan ka wada shaqeynno sidaan usoo ceshen lahayn sharafteenna ioyo karaamadeenna, haddii aan meel ku wada wadno annaga oo dhan karaamo ayaan yeelaneynaa”

Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa si wadajir ah shacabka Soomaaliyeed ugu sheegay iney mideysan yihiin kana shaqeyn doonaan midnimada dalka iyo dadka.

Halkaan hoose ka dhageyso codka

Goobjoog News