U bood dhigaalka

MAQAL: Turkiga Oo Muqdisho Ka Hirgeliyey Xarunta Xiriirka Guud Ee Shaqaalaha Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Ururka shaqaalaha Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ka hirgeliyey xarun cusub oo uu ku shaqeyn doono xiriirka guud ee shaqaalaha Soomaaliyeed.

Munaasabadda furitaanka xaruntan cusub ee xiriirka shaqaalaha Soomaaliyeed waxaa ka qeybgalay guddoomiye ku xigeenka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada, safiir ku xigeenka Turkiga iyo guddoomiyeyaasha shaqaalaha wadamo Afrikaan ah iyo kuwo Carbeed.

Guddoomiyaha isku tagga urur weynaha shaqaalaha Soomaaliyeed, mudane Maxamed Cismaan Xaaji ayaa ugu horreyn soo dhoweeyay mas’uuliyiinta xafladda ka qeybgashay, waxaana uu tilmaamay in dhismaha xaruntan lagu bixiyey lacag badan.

“Waxaan leeyahay kusoo dhowaada wadankiina Labaad marka hore, mar Labaad waxaan rabaa inaan salaamo dhammaan xubnaha xiriirka guud ee ururada shaqaalaha Soomaaliyeed oo maanta halkaan ay joogaan madaxdiisii, ma rabo inaan hadalka dheereeyo, waxaan leeyahay kusoo dhowaada xaruntiinii oo ay suurtageliyeen ururka shaqaalaha Turkiga”

Heshiis dhexmaray ururka shaqaalaha Soomaaliyeed iyo kan Turkiga ayaa lagu dhisay xarunta xiriirka Guud ee Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Safiir ku xigeenka Turkiga u jooga magaalada Muqdisho ayaa sheegay isna in shirkad dalkaasi laga leeyahay ay dhowaan dhismo ku bilaabi doonto xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

“Waxaan idiin la wadaagayaa in baarlamaanka Soomaaliya ay shirkadda TIKA ee turkiga laga leeyahay u dhisi doonto dhisme cusub oo ay ku shaqeeyaan, waxaan dowladaha kale ku boorinayaa iney Turkiga kala mid noqdaa mashaariicda Soomaaliya ka waddo” ayuu yiri safiir ku xigeenka.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya, C/weli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in Turkiga looga fadhiyo dhismaha xarunta golaha shacabka iney soo dedejiyaan.

“Waxaa intuu ka dhawaajiyey safiir xigeenka in aqalkii golaha shacabka la dhisi doono runtiisa waaye, aqalkaasi waxaa ka horreeya oo la dhisi doonaa oo weyn kii sidii KMG golaha shacabka ugu shaqeyn lahaayeen hadda ayeey dhisi rabaan” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka golaha shacabka.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada, Saalax Axmed Jaamac ayaa dalbaday in xaruntaan laga rabo isbedal iney ka keento tayada shaqaalaha Soomaaliyeed.

“Shaqo abuur si loo helo waxaa loo baahan yahay dowlad sharciyaddii dejisa, siyaasaddii keenta oo isku duba ridda barnaamijyo lagu shaqaaleysiinayo dadka, laakiin arrintu arrin dowlad kaliya ku kooban mahan, waxaa iyana loo baahan yahay shaqaale tabobaran, carbisan oo abaabulan, halka iyana loo sii baahan yahay maalqabeenno ama loo shaqeeye maalgeliya barnaamijyada shaqo abuurka, sida kuwa hadda ay ka dhowaajinayeen mas’uuliyiinta safaaradda Turkigu, in la furi doono Kanaaladii Wabiga, in beeraha wax laga qaban doono, waa barnaamijyo wax ku ool ah oo shaqo lagu abuuri karo”

Xiriirka guud ee shaqaalaha Soomaaliyeed burburkii dowladdii dhexe kadib, ma aanu helin xarun uu ku shaqeeyo, tani waxay noqoneysaa goobta sida rasmiga ah la sheegay in isbedal shaqo looga sameyn doono guud ahaan dalka.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News