U bood dhigaalka

MAQAL: Waa Maxay Ulajeedka Ay Ciidamada Itoobiya Uga Baxeen Ceelbuur Iyo Deegaanno Kale?

Sheeko:Dalka

Ciidamada Itoobiya ayaa dhowaan bilaabay iney ka baxaan deegaanno kamid ah dalka oo markii horeba ay ku sugnaayeen, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayso qaabka ay ciidamadan u baxayaan iyo waxa ay salka ku hayso.

3-dii bishan waxay ciidamada Itoobiya ay isaga baxeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxaana degmadaasi qabsaday dagaalyahannada Al-shabaab.

Siyaasiyiin baa qaba in markii horeba ay ciidamada Itoobiya ay dalka ku joogeen sharci darro, islaamarkaana ka bixitaankooda ay ku doonayaan in ay ku dhabar jabiyaan dowladda dhexe.

Qaar kale oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo iyaguna la hadlay Goobjoog News, waxay sheegeen in ka bixitaankooda ay keeni karto dagaallo kale oo ka dhaca degmooyin kamid ah dalka, sida in Al-shabaab ay xoojiyaan weerarada ama ay dib u bilowdaan dagaallo u abaabulan qaab qabiil.

Hadaba arrintan waxaa warbixin dhinacyo badan taabaneysa ka diyaariyey wariyaheena Maxamed C/laahi Maxamed.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News