U bood dhigaalka

Maraakiib dagaal oo laga leeyahay dalka Iran oo soo gaaray xeebaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Taliyaha horinta maraakiibta 32-aad ee dalka Iran Captain Syid Xusseen Shariif-Nasab ayaa sheegey in hawlgalka ay ka hayaan Gacanka Cadmeed aysan kaliya ahayn in la illaaliyo gaadiidka badda ee Iran balse sidoo kale yahay mid lagu xoojinayo xiriirka Iran kala dhaxeeya wadamada gobolkani ku yaala.

Isagoo hadal siiyey wakaaladda wararka Iran ee Faris ayuu sheegey in maraakiibtani ay hogaaminayaan markabyada lagu kala magacaabo Jamaran iyo kan dayuuradaha ay dushiisa ka kacaan ee Bushaher, kuwaasi oo maanta galinkii hore soo gaaray xeebaha Soomaaliya.

“Inagoo muujineyna quwada ay Iran leedahay iyo sida aan u diyaarsanahay, ayaa ciidamada badda ee Iran waxa ay maraakiibta ka dul sureen calanka barakaysan ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, waxaanan muujineynaa xaqiiqda ah sida Iran u tahay awood muuqata oo diyaar u ah in ay wajahdo halis kasta” ayuu yiri taliyaha

Wuxuu sheegey in horintani tii ka horeysey ay ku guuleysatay in ay galbiso illaa 670 gaadiidka badda oo isugu jira kuwa military iyo kuwa shixnad wadayba.

Ciidamada badda ee Iran ayaa hawlgalo ka dhan ah burcad badeeda ka samaynayay xeebaha Soomaaliya tan iyo sanadkii 2008-dii, xiligaasi oo kooxo Soomaali ah ay afduubteen markab u kireysnaa dad reer Iran ah oo lagu magacaabi jirey MV Delight.

Wakaaaladda wararka Iran waxa ay qortey in sida uu qabo qaraar golaha amniga ee Qaramada Midoobey in dalalka adduunka oo dhan ay maraakiib iskood ugu diri karaan xeebaha Soomaaliya iyada oo aanan xitaa la wargalinin dowladda Soomaaliya, si looga hortago halista ka timid kooxaha burcad badeeda.

Horintii hore ee maraakiibta Iran ayaa waxa ay hawshoodii u dhamaatay, dalkoodii ku laabteen 30-kii bishii August ee sanadkani, kuwanina waa kuwa cusub .

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay marar badan ku doodey in dalalka beesha caalamka ay juhdi badan ku bixiyaan sidii loo dhisi lahaa ciidamada badda ee Soomaaliya, halkii maraakiib qarash badan lagu bixin lahaa, haddii la doonayo in wax laga qabto dhibaatada ka jirta xeebaha Soomaaliya.

Waxa ay dowladda Soomaaliya sheegtey in dhibaatada jirta lagu xalin karo dhulka, ee aanan badda dusheeda laga xalin Karin.

Goobjoog News