U bood dhigaalka

Maracana Stadium Oo Lagu Qabtay Mudaaharaadkii Ugu Weynaa Ee Gabagabadii Olypikada 2016-ka

Sheeko:Dalka

Magaalada Rio de janeiro ee Brazil ayaa xalay lagu soo gabagabeeyay ciyaaraha Olypikada 2016-ka, ilaa 42 ciyaar ayaa lagu tartamay intii uu tartanka socday, xaflad malaayiin daawadeen ayaa gabagabadii tartanka  lagu qabtay garoonka Maracana Stadium.

Ciyaarahan oo socday muddo 16 maalmood ah waxaa ka soo qeybgalay ilaa 11,303 oo ka kala socday ilaa 206 dalal iyo koox qaxooti ah, waxaana lagu tartamay ilaa 136 Billad oo gabdhaha ah iyo 161 oo wiilasha ah.

Dalka Mareykanka 121 Billad oo 46 ay Dahab yihiin, Ingiriiska waxaa ay heleen ilaa 67 Billad oo 27.

Waxaa Recordyo cusub la dhigay ciyaaraha ay ka mid yihiin Dhagaxtuurka, Baskillada, Qaadista culeyska, iyo xabad ridka.

Dhaqaalaha Brazil waxaa lagu waramayaa in uu fiicnaaday mudada ay ciyaaraha socdeen, waxaa kaloo la sheegayaa in siyaasadda ay dalkaasi ka mashquuleen.

_90871352_firework _90871352_firework _90870119_final_medal_table_graphic (1)

Goobjoog News