U bood dhigaalka

Maraykanka Iyo Ruushka Oo Ku Muransan Geeddi Socodka Nabadda Siiriya

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay wadahadaladii u dhexeeyey mucaaradka dalka Siiriya iyo Dowladda dalkaa uu dhici doono dhammaadka bishan January, balse lagu muransanyahay Liiska dadka lagu casuumayo wadahadalka.

Lavrov ayaa Arbacadii shalay la kulmay xoghayaha arrimaha dibada dalka Mareykanka John Kerry si arrinta casuumaad meel la iskula dhigo balse lagu guul dareystay in la isku raaco mowqif mideysan.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa horay isugu raacay qorshe nabadeed oo Siiriya ka hirgala.

Lavrov ayaa ayaa dalbanaya in wakiilka gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Siiriya Staffan de Mistura uu la yimaado xalka saxda ah.

Ruushka ayaa qaba in kooxaha Jaish Al-Islam iyo Ahrar al-Sham ay yihiin kooxo argagixiso oo aysan qeyb ka noqon karin geeddi socodka nabada dalkaasi.

Inkastoo Mareykanka iyo Ruushku ay isku fahmi la’yihiin casuumaadda shirka haddana waxaa naga go’an aniga iyo Kerry in shirku uu qabsoomo 25 bishan ayuu yiri wasiirka arrimaha dibada dalka Ruushka oo saxaafadda la hadlay.

Xoghayaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka kama hadlin arrinkaa, balse afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalkaa John Kirby ayaa xusay in labada nin ay ka doodeen qorshaha UN-ku uu hogaminayo ee dalka Siiriya.

Goobjoog News