U bood dhigaalka

Maraykanka oo $6 Milyan Doolar ugu Deeqey Dadka Kasoo Laabanaya Yemen

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtey in ay ku deeqdey lacag dhan $6 malyuun oo doolar taasi oo loogu talogalay in wax loogu qabto dadka Soomaaliyeed ee kasoo noqonaya ama kasoo baxsanaya dalka Yemen oo ay dagaalo ka jiraan.

Lacagtani ayaa waxa lasii marinayaa hey’adda qaxootiga Qaramada Midoobey ee UNHCR oo iyadu qaabilsan qaxootiga soo laabanaya qaabilaadooda.

Tani waxaa sidoo kale looga jawaabayaa qeylo dhaanta hey’adaha gargaarka ee ah in la kaalmeeyo dadkaasi soo laabanaya.

Qarashkani ayaa waxa uu dadka ka kaalmeyn doonaa xagga cuntada, hoy, iyo caafimaad.

Maraykanka ayaa dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ku amaanay sida ay xuduudahooda ugu fureen dadka soo baxsanaya.

Goobjoog News