U bood dhigaalka

Maraykanka oo Bilal al-Sudani ku dilay Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in hawlgal ay ciidamadeeda ka fuliyeen Soomaaliya lagu dilay mid kamid horjoogayaasha ururka Daacish.

Hawlgalka ayaa ka dhacay waqooyiga soomaaliya waxaana lagu dilay horjooge Bilal al-Sudani oo ah nin u dhashay dalka Sudan una qaabilsanaa Daacish maaliyadda iyo isku xirka gobalka.

Bilaal ayaa maraykanku sheegay in ay doonayeen in ay qabtaan balse kooxdi la joogtay ay kala kulmeen iska caabin kadibna lagu dilay goobta isaga iyo 10 xubnood oo kale.

“Tallaabadan waxa ay Maraykanka iyo la-hawlgalayaasheeda ka dhigaysaa mid guul badan, waxayna ka tarjumaysaa sida ay nooga go’an tahay in aan Maraykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada ee gudaha iyo dibadda,” ayuu yiri Lloyd Austin xoghayaha difaaca Maraykanka.

Amarka hawlgalkaan oo dhacay maalinti arbacada ayaa waxaa bixiyay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, waxaana maraykanka uu sheegay in hawlgalkaan uusan waxyeello ka soo gaarin dad shacab ah.

Bilaal Al-sudani Warbaahinta oo soo warisay in uu Al-Sudani uu ku lug lahaa qorista iyo tababarida dagaalyahannada kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ka hor inta uusan ku biirin IS. Waxa la sheegay in uu isku dubariday maalgelinta hawlgallada IS ee Afrika iyo laanta kooxda ee Afgaanistaan.

Goobjoog News