U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Bogaadiyay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran Ee Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka  ayaa Bogaadisay Shirkii Madasha wadatashiga Qaran ee ku soo dhammaaday maalin ka hor magaalada Muqdisho ee caasimadda dalkeena.

Warbixin dheer oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka ayaa lagu amaanay dadaalka ay madaxda Soomaalida ugu jiraan sidii la’isugu raaci lahaa hanaan doorasho oo loo dhan yahay sanadka 2016-kana dalka ka hirgesha.

Waxay ku booriyeen dhammaan Soomaalida qeybta ka ah Madasha in ay iska ilaaliyaan wax walba oo iyaga sii kala fogeen kara, meelna isugu yimaadaan, oo ay adkeeyaan sidii loo heli lahaa go’aan mid ah, heshiis kama dambeys ah oo ay ku gaaraan shirka 10 January la filayo inuu ka furmo magaalada Kismaayo.

Qoraalkaan kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay ka dowlad ahaan taageersan yihiin inaan waqti loogu darin dowladda iminka jirta iyadoo la tixraacayo qaraarka tirsigiisu yahay 2232 ee golaha amniga Qaramada Midoobay horay uga soo saaree arrinta ku aadan muddo kororsi la sameeyo.

Goobjoog News