U bood dhigaalka

Maraykanka oo Buufin Basaas uu ku sheegay soo riday

Sheeko:Dalka

Maraykanka ayaa sheegay in uu soo riday buufin looga shakisan yahay in ay leedahay dowladda Shiinaaha, taas oo lagu tilmaamay mid basaas ah.

Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa gobalka South Carolina ee Maraykanka ku soo riday buufinnada oo la tuhunsan yahay in shiinaha uu leeyahay, kadib todobaad ka hor markii ay soo galeen hawada Maraykanka.

Arbacadii todobaaadkii hore oo ay dhacdadaan dhacday ayaa waxaa ka dhashay hadal hayn aad u badan, waxaana ay dood adag sii gelisaya xiriirkii aan cagaha badan ku taagneyn ee Maraykanka iyo Shiinaha.

Joe Biden ayaa shaaciyay in uu waaxda gaashaan ee Pentagon uu siiyay amarka ah in la soo rido Buufinnadan basaasnimada looga shakiyay.

“Waa lagu guuleystay in lasoo rido, waxaana rabaa inaan ammaano duuliyayaashayada soo riday” ayuu yiri Biden.

Diyaaradaha dagaalka iyo kuwa shidaalka siiyo oo hawlgalka si wadajir ah uga qayb qaatay ayaa la sheegay in ay ku guulaysteen, balse F-22 oo ka timid Saldhigga Ciidanka Cirka ee Langley ee Virginia ayaa ridday gantaalkan oo ahaa nooca loo yaqaan AIM-9X abbaarihii 2:39 duhurnimo, sida uu sheegay sarkaal sare oo Mareykan ah.

Dowladda Shiinaha ayaa si adag u cambaareysay weerarka maraykanka uu ku soo riday buufinnada, waxa ayna sheegtay in aysan ahayn basaas balse loogu talagalay in loo adeegsado saadasha hawada iyo cilmi baarisyo kale.

Goobjoog News