U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Ciidamo U Soo Dirayo Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Dowladda Maraykanka ayaa qorsheyneysa in ay markale dalka Soomaaliya u soo dirto cutubyo ka tirsan ciidamada dalkeeda kadib markii horay maraykanka ciidamada uga saaray dalka.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa saxiixayo qorsha ciidamada maraykanka loogu soo celinayo dalka, kadib doorashadii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Biden ayaa la filayaa in 500 boqol  askari uu u soo diro Soomaaliya, xilli madaxweynihii hore ee maraykanka Doland Trump uu Soomaaliya ciidamadiisa ka saaray dalka.

Ciidamadaan ayaa ka caawin doona dowladda Soomaaliya tababaridda ciidamada xoogga, sara u qaadista qibradda saraakiisha dolwadda.

Trump ayaa horay Soomaaliya uga saaray 700 boqol oo askarta Maraykanka ah oo ku sugnaa gudaha dalka, kuwaas oo ciidamada ka saacidi jiray howlgalada gaarka ah.

Goobjoog News