U bood dhigaalka

Maraykanka oo Coronavirus Maalin Qura Ugu Dhimatay Tiro Ka Badan 2000 oo Qof

Sheeko:Caafimaadka

Maraykanka ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee hal maalin laga diwaangeliyo inay Coronavirus dartii u dhinteen, tiradii ugu badnayd ee u dhimata adduunkoo dhan.

Sida ay baahisay Jaamacadda Hopkins , afar iyo labaatankii saac ee u danbeeyey, dad laba kun kor u dhaafayaa ayaa ku dhimatay Maraykanka, halka la xaqiijiiyey in ay qaadeen nus Malyan qof.

Mareykanka wuxuu si dhakhso leh u dhaafi karaa Talyaaniga isaga oo ku socda inuu ahaado dalka ugu badan ee dhimashada ee coronavirus adduunka oo dhan.

Laakiin khubaro Aqalka Cad u xulay feyraskan ayaa sheegay in fiditaankiisu uu bilaabayo inuu meel xad ka baxa gaadho Maraykanka oo dhan.

Madaxweynaha dalkaasi Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu filanayo in Mareykanka ay ku dhiintaan dhimasho ka hooseysa tii saadaashu ahayd oo ahayd 100,000.

Goobjoog News