Maraykanka Oo Dib Loogu Celiyey 92 Soomaali Oo Lasoo Musaafurinayey

Warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in dalka Maraykanka dib loogu celiyey 92 Soomaali ah, kuwaasi oo dalkaasi si musaafurin ah looga soo waday.

Diyaaraddii sidday dadkaan ayaa la xaqiijiyey in ay ka degtay magaalada Dakar ee caasimadda dalka Senegal, balse hadane dib ay ugu laabatay dalka Maraykanka.

Laanta socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Maraykana ayaa sheegtay iney jirto sabab dadkaasi loo celiyey balse si cad uma aanay faah faahin.

Warar kale oo soo baxaya waxay sheegayaan in ay jirto cillad soo wajahday diyaaraddan, balse warkaasi si cad looma hubo.

Maraykanka ayaa dhowr jeer waxay dalka keeneen Soomaali badan oo lasoo musaafuriyey.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW