U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Duqayn Ka Fuliyay Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqayn ciidamada Maraykanka ay ka fuliyeen deegaan hoostaga gobalka Jubbada Hoose.

Duqaynta oo Maraykanka uu u adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lala beegsaday fariisimo ay al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Beer-xaani ee gobalka Jubbada Hoose, sida ay xaqiijisay dowladda Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay Maraykanka ayaa duqayntaan ku dilay shan kamid ah dagaalamayaasha al-shabaab oo ku sugna deegaanka Beer-xaani.

Duqayntaan ayaa noqoneysa middii ugu horeysay ee Maraykanka uu ka fuliyo deegaanada dhulka Soomaaliya, kadib doorashadii madaxweynaha dalka.

Sikastaba inta badan duqanta dhanka cirka ah ee Maraykanka uu ka fuliyo Soomaaliya, ayaa waxaa dhibaatooyin ka soo gaaraan dadka shacabka ah ee ka agdhaw goobaha ay ciidamada bartilmaameedsadaan.

Goobjoog News