U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Duqeyn Ku Dilay Dagaalyahanno Ka Tirsan Al-qaacidada Yemen

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in  dalka Yemen ay ku dileen dagaalyahannoka tirsan Al-qaacida kadib weerar cirka ah oo ay fuliyeen ciidankooda.

Saraakiil Maraykanka u hadlay ayaa sheegay in duqeyn ay ka geysteen xaafado ka tirsan Yemen lagu bartilmaameedsaday dagaalyahannada Al-qaacida ayna ka dhinteen 13 dagaalyahan.

Waxay sheegeen saraakiishan in weerarada sidan oo kale ah ee lagu qaadayo Al-qaacidada Yemen ay tahay kuwo looga hortagayo weeraro ka dhan ah oo ururkaasi ku qaadaan Maraykanka iyo xulufadiisa.

Al-qaacida ayaa la sheegay inay ka faa’ideysato dagaallada sokeeye ee ka socda wadankaasi kuwaa oo u suurtagelinaya inay ku faafaan deegaanno kale oo hor leh.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dagaallada Yemen ay sababeen dhimashada 6 kun oo qof iyadoo guryahooda ay ka barakaceen dad aad u badan.

Goobjoog News