U bood dhigaalka

Maraykanka oo ka digay qaraxyo ka dhaca Addis Ababa

Sheeko:Dalka
Addis Ababa
Addis Ababa

Warbixin ka soo baxday safaarada Maraykanka ee magaalada Addis ababa ayaa sheegaysa in dowladda Maraykanka wal wal ay ka muujisay warar ay heshay oo tilmaamaya in weeraro ay doonayaa xarakada Al-Shabab ay ka geeystaan xarunta dalka Ethiopia gaar ahaan xaafada lagu magacaabo Bole.

“Safaarada Maraykanka ee Ethiopia waxa ay heshay warbixin muujineysa in Al-shabaabka ka dagaalama Soomaaliya ay qorsheynayaan in ay weeraro ka geystaan deegaanka Bole ee Addis Ababa ka tirsan gaar ahaan meelaha la iskugu yimaado sida Hotelada, Baararka, meelaha lagu cibaadeysto, suuqyada waaweyn iyo moolalka ku yaalla deegaanka Bole,waxaana safaarada ay sheegtay  in laga fogaado meelahaasi oo safaarada suura galka ka dhigay in ay weerarada ay ka gesytaan Al-shabaab,waxaana sidoo kale warkan lagu qoray bogga ay safaarada Maraykanka leedahay.

Saraakiisha Ethiopia ayaa xiray bishii June 25 qof oo ay ku tuhmeen in ay ka tirsanyihiin dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.

Bishii October 2013, labo nin oo soomaali ah ayaa ku geeriyooday Addis Ababa kadib markii ay la qaraxday miino ay guri ku sameynayeen sida ay sheegeen saraakiisha Ethiopia si logu weeraro goob lagu daawanayay ciyar ka tirsaneed kubada cagta.