U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Ka Hadlay Soomaali Laga Soo Tarxiilay Dalkooda Oo Shalay La Keenay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka ayaa ka hadashay 67 ruux Soomaali ah, kuwaasi oo laga keenay dalkaasi, lagana soo dejiyey garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay waaxda fulinta arimaha socdaalka iyo Kastamada ee ICE ayaa lagu sheegay in 67 ruux ee shalay la keenay magaalada Muqdisho ay dhammaantood ahaayeen sharci darro.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in sidoo kale ay jireen 7 qof oo Kenyan ah oo iyaguna qaab tarxiil ah looga dejiyey magaalada Nairobi.

Waaxdan ayaa sheegtay in dadkan ay haysteen go’aankii ugu dambeeyay ee ahaa in Maraykanka laga saaro maadaama aanay haysan sharciga deganaanshiyaha ee dalkaasi.

Sidoo kale waaxdan ayaa sheegtay iney bartilmaameedsan doonaan cid walbo oo aan haysan shariga deganaanshiyaha Maraykanka iyo sidoo kale cid walbo oo amniga qaranka dalkaasi halis ku ah.

Sidan oo kale Maraykanka wuxuu magaalada Muqdisho u keenay dhallinyaro badan oo la sheegay ineysan haysan deganaanshiyaha dalkaasi.

Goobjoog News