U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Ka Walaacsan Doorashada Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dalka mareykanka ayaa walaac ka muujiyey dib u dhac ku yimaada doorashada 2016 lagu wado in ay dalka ka dhacdo.

Warbixintan oo laga soo saaray wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyadu in ay dhowr jeer ku soo celceliyeen sida ay uga go’antahay in dalka doorasho la gaarsiiyo 2016.

Sharciyadda dowladd fadaraalka ahi waxa ay ku xirantahay sida Hoggaanku uu u wajaho siyaasad daah furan ka hor inta waqtigu uusan ka dhammaan dowladda Fadaraalka ah.

Warbixintan waxaa lagu yiri “waxaan ugu baaqeynaa Baarlamanka Soomaaliya in ay si dhaqsi ah ku meel mariyaan kuna hirgeliyaan go’aamadii ka soo baxay madasha qaran, taas oo ku saabsaneyd habka doorashada loo wajahayo sanadkan”

Qoraalkan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Washington waxaa lagu xusay in Mareykanku uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo, caawiyana shacabka Somaaliyeed iyo dowladda Somaaliya si hore loogu socdo wadada Dimuquraadiyadda iyo hanaan dowlad xasilan.

Goobjoog News