U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digey u Safarka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay soo booqdaan Soomaaliya, tani waa digniis cusub oo badashay mid hore oo soo baxday June 15, 2012, waxaana la gaarsiiyey Level 4. Arrimaha loo cuskaday waxaa ka mid ah dilalka, argigixisada iyo burcad-badeedda.

Waxaa qoraalkan lagu sheegay in xaaladda amniga ee Soomaaliya aysan ahayn mid la isku haleyn karo, islamarkaana xilli walbo qataro la filan karo.

“Dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dilka, dhaca, kufsiga, afduubka waa ay  dhacaan Soomaaliya oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland”, sidaasi waxaa lagu sheegay qoraalka.

Mar haddii Mareykanka aanu safaarad iyo saraakiil kale u joojin gudaha Soomaaliya, isla markaana xukuumadda Mareykanka aaney fulin Karin wax adeeg oo degdeg ah, nabad-galyo la’aanna ay jirto, waxaa lagula taliyey muwaadiniinta in aaney u soo safrin gudaha Soomaaliya.

Farriinta wasaaradda arrrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in kooxaha argagixisada ay qorsheynayana weeraro ka dhan ah goobaha dekadaha, hoteellada, garoomada diyaaradaha, suuqyada iyo meelaha muhiimka ah ee ay dadka ajannabiga ah isugu tagaan.

Goobjoog News