U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Sheegay In Burbur Ay Ku Dhowdahay Xarakada Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa ku dhawaaqay in bishii May oo keliya ciidamadooda ay ka fuliyeen meelo ka mid ah Soomaaliya illaa Afar weerar oo dhinac cirka ah kuwaas oo qeyb ka ah hawlgalka ciidamada AMISOM ee looga soo horjeedo xarakada Al-shabaab.

Duqeymaha ayaa dhacay horaantii bishii May iyadoo kii igu dambeeyey uu dhacay 13 bishii May waxaana lagu beegsaday Sagaal dagaalyahan oo ka tirsan Alshabab Saddex ka mid ahna waxaa la sheegay in lagu dilay duqeyntaas dhammaan Afarta weerar ee Mareykanku ka geystay Soomaaliya bishii May waxay ka dhaceen meelo fog oo hoos yimaada xarakada Al-shabaab sida warka lagu sheegay.

Ma cadda in ciidamada Mareykanka ay uga hortagayeen duqeymaha qatar kusoo fool lahayd oo xiligaasi jirtay sidoo kale waxaan caddeyn nooca diyaaradaha ee loo adeegsaday weerarka.

Warkaan ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa soo baxay Sagaal maalin kadib markii Mareykanku ay sheegeen iney duqeyn ku dileen Labo taliye oo ka tirsan Al-shabaab weeraro gooni gooni ah oo dhacay, taliska ayaana sheegay iney xilli aan fogeyn kooxda ay burburi doonto marka la fiiriyo qasaaraha ka soo gaaray Labadan hoggaamiye ee muhiimka u ahaa Al-shabaab sida warka ka soo baxay Mareykanka lagu sheegay.

Weerarkii ugu dambeeyey ee Mareykanku ka geysto Soomaaliya islamarkaana lagu beegsaday Al-shabaab ayaa dhacay bishii march kadib markii duqeymo is xig xigay lagu dilay in ka badan 150 dagaalyahan kuwaas oo ku jiray xero ay ku tababaranayeen waxaana la sheegay inay ahaayeen qatar kusoo socotay ciidamad xulufada la ah Mareykanka ee ka hawlgala Soomaaliya.

Sanadkii 2013-kii ciidamada badda ee Mareykanka ayaa weerar dhanka badda ah ku qaaday maagalo xeebeedka Barawe laakiin dib ayey uga laabteen kadib markii ay la kulmeen iska cabin culus oo uga timid xarakada Al-shabaab waxaana la sheegay in weerarkaas aan qasaare ka dhalan.

Xarakada Al-shabaab ayaa laga saaray magaalooyin badan sanadihii ugu dambeeyey waxaana magaalooyinka waaweyn ee kooxdu ay ka baxday ka mid ah magaalada Muqdisho sanadkii 2011-kii.

Goobjoog News