U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Sheegay Inay Xoojinayaan Taageerada Ay Siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay inay ballaariso taageerada ay siiso ciidanka xoogga dalka Soomaaliya kadib markii ay sheegteen inay hoos u dhacday qatartii Al-shabaab.

Waxa uu sheegay Maraykanka in uu sare u qaadayo xiriirka ay la leedahay wadamada geeska Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto.

Stephen Schwartz oo ah safiirka cusub ee dowladda Maraykanka u soo magacawday Soomaaliya, islamarkaana shalay xilkaasi loo dhaariyey ayaa tilmaamay in muhiimad weyn ay tahay in la xoojiyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo taageerada la siiyo.

25 sano kadib dowladda Maraykanka ayaa Soomaaliya u soo direysa safiirkeedii u horreeyay kaas oo lagu magacaabo Stephen Schwartz.

Maraykanka ayaa ka mid ah dalalka sida aadka ah u taageera Soomaaliya, waxaana maraykanka uu howlgallo gaar ah ka fuliyaa qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya.

Goobjoog News