U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Sheegay Sababtii Ay u Xireen Saldhig Dhanka Cirka Ah Oo Ay Ku Lahaayeen Itoobiya

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykana ayaa joojisay duulimaadyada diyaaradaha iswada ee loo yaqaan Drone ee ka soo kici jiray saldhigga Maraykanka uu ku leeyahay dalka Itoobiya kuwaa oo ay ku weerari jirtay dagaalyahanada Soomaaliya iyo Yemen kadib dalab uga yimid dowladda Itoobiya.

Washington ayaa Maalayiin doolar ku bixsay dhisidda saldhig ay ka sameysato magaaladda Arba Minch ee dalka Itoobiya kaa oo ay ka duulaan diyaaradaha duuliye la’aanta ah ee sida gantaallo lagu ugaarsanayo dagaalyahannada ku kala sugan dalalka Yemen iyo Soomaaliya.

Saldhiggan diyaaradeed ayaa ah kan keliya ee dowladda Maraykanka ay ku leedahay dalka Itoobiya oo ay ka kacaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Maalintii talaaadada ayaa waxaa xaqiijiyay in la hakiyay shaqadii diyaaradaha saraakill ka socota dowladda Maraykanka iyo dowladda Itoobiya.

Afhayeen lagu magacaabo Getachew Reda oo u hadlay Maraykanka ayaa yiri “ waxaaan dhaqan gelinnay codsiga nooga yimid dowladda Itoobiya”

 Afhayeenka ayaa ku daray “markii hore hawshaan waxay aheyd mashruuc waqtiyeysan oo ay isla diyaariyeen labada dowladood”

Dowladda Itoobiya ayaa ka mid ah xulafada dowaldda Maraykanka oo ay iska kaashadaan la dagaalanka dagaalyahannada Al-qaacida iyo qolyaha kale ee ka dagaalama Yemen iyo Soomaaliya ee ka soo horjeeda Maraykanka iyo Itoobiya.

Xafiiska arrimaha dibadda ee safaaradda Mareykan ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in aysan shaqaalahoodu sii joogi doonin saldhigga ay ku lahaayeen Arba Minch.

Goobjoog News