U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Sheegtay Mas’uuliyadda Weerarkii Awdheegle

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka ayaa sheegatay mas’uuliyadda duqeymo diyaaradeed iyo weerar dhulka ah oo ka dhacay deegaanka awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose 8-dii bishan.

Saraakiisha Pentagon-ka ayaa sheegay in inkastoo la adeegsaday helikobatarrada Maraykanka haddana inaysan ciidankoodu aysan wada gaadhin meesha bartilmaameedkoodu ahaa.

Waxay saraakiiisha Maraykanku sheegeen in hawlgalku uu ahaa mid ay leeyihiin ciidamada Soomaalida doorkooduna uu ku ekaa mid talo siin ah.

War uu warbaahinta siiyay sarkaal u hadlay Pentagonka ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid qorsheysan oo ciidanka Maraykanka iyo diyaaradahooda ay ka fuliyeen halkaasi.

“Waxaan wadnaa hawlgal aan ku taageerayno sida aad la socoto AMISOM iyo Ciidamada dowladda federaalka dagaalka ay kula jiraan Al-Shabab. Waxaa Soomaaliya naga jooga ciidan tiro yar oo shaqadaas qabta, waxaana hawshaas ka mid ah in mararka qaarkood la wada sameeyo hawlgallo taas kaabaya,” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah saraakiisha Pentagon-ka.

Habeen ka hor xilli saqdhexe ah ayaa diyaarado dagaal oo ay la socdaan ciidan ajaanib ah waxay weerar cir iyo dhul isugu jira ay ku qaadeen deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta uu ka dhashay.

Gudoomiyaha deegaankaasi Maxamed Aweys Abukar oo la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegay in weerarka uu ahaa mid qorsheysan oo dowladda Federaalka iyo maamulka Shabellaha Hoose ka war hayeen.

Goobjoog News