U bood dhigaalka

Maraykanka oo Soomaaliya Kala Mid Noqdey Dhawris La’aanta Xuquuqda Carruurta

Sheeko:Dalka

caruur askaraynIyada oo shalay meelo kala duwan oo adduunka laga xusey maalinta daryeelka carruurta, meelahaasi waxaa ka mid ahaa Soomaaliya oo la sheego in ay ka mid tahay meelaha ugu liita ee xagga dhawrista xuquuqda carruurta.

Hase yeeshee Soomaaliya oo kaliya ma ahan dalalka arrinkaasi lagu eedeynayo, waxaa hadda Soomaaliya dhankaasi kala mid ah dalka Maraykanka oo ka mid ah dowladaha ugu horumarsan adduunka.

1989-dii ayay Qaramada Midoobey soo saartay qaraarka illaalinta xuquuqda carruurta, wuxuuna sharcigani noqdey kan loogu ansixinta badanyahay adduunka, hase yeeshee sedex dal ayaanan illaa maanta ansixinin sharcigani.

Waxa ay kala yihiin Soomaaliya, Maraykanka iyo Suudaanta Koonfureed.

Munaasabad shalay ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga hadlay xuquuqda carruurta, iyada oo ay ka qeybgaleen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Qaraarka caalamiga ah ee Qaramada Midoobey ayaa waxa uu carruurta siinayaa xuquuqo ay ka midyihiin in xitaa dowladda ay ku qasbantahay in ay carruurta u fidiso daryeel caafimaad oo ka hor istaagaya cudurada laga hortagi karo ee iyagu sababa dhimashadooda marka ay ka yaryihiin shanta sano.

Dhageyso

Goobjoog News