U bood dhigaalka

Maraykanka oo taageeray dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab

Sheeko:Amniga

Dowladda Maraykanka ayaa taageertay dagaallada ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda gobalada qaar ee Soomaaliya.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaaliya Mr. Larry Andre, ayaa sheegay in ay muhiim tahay la taageero dagaalada ka socda dalka ee ka dhanka ah ururka alshabaab.

“Soomaalidu ma waxay u dhaqmi doontaa midnimo? Ma midnimadooda ayay muujinayaan? Ma waxay muujinayaan inay yihiin qaran Soomaaliyeed mise waxay muujinayaan in Soomaaliya ay tahay qabiilo la soo ururiyay, waxaan ula jeedaa in beel ka mid ah beelaha dega Hiiraan ay ku daashay dagaalka halka beelaha ay iska fadhiistaan oo ay daawanayaan, oo aysan iyagu dagaalka gelin. Bulshadu waa inay xifaaltankooda meel dhigaan oo ay yiraahdaan annagu hal dan ayaanu leenahay dhammaanteen,”ayuu yiri safiir Andre.

Hadalka safiirka ayaa ku soo aadaya xilli ay gobalada dalka ay ka socdaan dagaal ay iska kaashanayaan dadka deegaanka iyo ciidamada xoogga dalka.

Goobjoog News