U bood dhigaalka

Maraykanka oo xayiraad saaray rag ka tirsan Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay xayiraadi ku soo rogtay shaqsiyaad lagu eedeyay in ay kamid yihiin alshabaab.

Maraykanka ayaa sheegay in shaqsiyaadkaan ay alshabaab u qaabilsan yihiin soo uruurinta lacagaha iyo soo iibinta hubka.

Dadka Maraykanka uu xayiradda ku soo rogay ayaa waxaa ay gaarayaan 9 xubnood, kuwaas oo lix kamid ah ay alshabaab u qaabilsanaayeen soo uruurinta lacagaha.

Shaqsiyaadka alshabaab u qaabilsan soo uruurinta lacagaha ee xayiradda la dul dhigay ayaa kala ah:

1: Cabdullaahi Jeeri

2: Khaliif Cabale

3: Xasan Afgooye

4: Cabdikariin Xuseen Gaagaale

5: Cabdisamad

6: Cabdiraxmaan Nuuney

Maraykanka ayaa sidoo kale shaaciyay magacyada xubna uu ku eedeyay in ay shabaab hubka u soo iibinayeen, waxaana ay kala yihiin shaqsiyaadkaas:

1: Maxamed Xuseen Salaad

2: Axmed Xasan Cali Sulaymaan Mataan

3: Maxamed Cali Badaas

“Waaxda Maaliyadda waxa ay diiradda saareysaa aqoonsiga & carqaladaynta shabakadaha sharci darrada ah ee Al-Shabaab ee ka hawlgala Bariga Afrika, “Waan sii wadi doonnaa inaan qaadno tallaabo ka dhan ah soo-gelinta hubka sharci-darrada ah iyo dhaq-dhaqaaqyada dhaqaale uruurinta ee Al-Shabaab iyo kuwa kale ee xiriirka la leh al-Qaacida” ayuu yiri Kaaliyaha xoghayaha Maaliyadda Mareykanka ee Arrimaha waxa loogu yeero Argagixisada Brian Nelson.

Maraykanka ayaa lacago dul dhigay hoggaamiyayaasha alshabaab, waxaa sidoo kale uu xayiraado ku soo rogay dadka ka agdhaw mas’uuliyiinta sar sare ee Maraykanka.

Goobjoog News