U bood dhigaalka

Maraykanka oo xiray Taliyihii hore ee Guutada Shanaad ee XDS Yusuf Tuke

Sheeko:Amniga

Dambi baarayaasha dowladda Maraykanka ayaa xabsiga u taxabaay Yuusuf Cabdi Cali oo kamid ahaa saraakiishii ciidamada xoogga ee dowladda Kacaanka.

Yuusuf oo ku magic dheeraa Tuke ayaa xabsiga loo taxaabay ayadoo lagu eedeyay in uu ka qayb  galay tacadiyo ka baxsan xuquuqda aadanaha oo ka dhacay gudaha Soomaaliya intii lagu gudajiray 1980-meeyadii.

Tukeh waxa uu ahaa Taliyaha Guutada Shanaad ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya (Somaliland), intii u dhaxeysay qiyaastii May 1987 ilaa Luulyo 1988-kii ee dowladddii Maxamed Siyaad Barre.

“Iyadoo qabashada Yuusuf Cabdi Cali aysan soo celin karin dhibaatooyinkii uu geystay, haddana waxaan rajeynayaa inaan aragno isagoo ka jawaabaya kaalintii muuqatay ee uu ku lahaa dambiyadaas foosha xun, ayuu yiri Derek W. Gordon, oo ah ku-simaha ergeyga gaarka ah ee hay’adda amniga gudaha Maraykanka.

Gaashaanle Yuusuf Cabdi Cali Tuke ayaa daganaa gobalka Virgina ee dalka Maraykanka, waxaana sanadkii 2019-kii lagu xukumay in uu bixiyo      $500,000 dolar, taas oo uu magdhaw ahaan u siinayo Farxaan Maxamuud Warfaa.

Goobjoog News