U bood dhigaalka

Maraynka iyo Bank-ga Adduunka Oo Cabsi Ka Muujiyay Fashil Ku Yimaada Hanaanka Dhaqaalaha Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Dowladda Maraykanka ayaa walaac ka muujisay hanaan dhaqaalaha Soomaaliya iyo taageerada caalmiga ah ee saaxiibada, taas oo hoos u dhac uu ku yimid tan iyo markii ay sii daba dheeraatay waqtiga doorashada la dhamaynayo.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliyda Amb Larry André  iyo madaxa Bank-ga adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa sheegay in ay halis ku jiraan in dib loogu noqdo meeshii laga soo bilaabay howlaha dib u habaynta dhaqaalaha Soomaaliya.

Larry iyo Kristina  ayaa sidoo kale sheegay in haddii aan la helin dowlad ay suura gal tahay in wax walba ay istaagaan, taas oo ay ugu horayso taageridda la siiyo dowladda.

Labada dhinac ayaa sidoo kale cadeeyay in dhaqaalaha ay dowladda haysho la waynayo haddii aan xaaladda Soomaaliya isbadalin.

Madaxa Bank-ga adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa horay u sheegtay in 18-ka May ay gebi ahaan istaagi doonto taageeridda Bank-ga adduunka ee Soomaaliya.

Goobjoog News