U bood dhigaalka

Mareykanka: Bariire Waxaan Ku Dilnay Koox Cadaw Ah Oo Hubeysan

Sheeko:Dalka

Qoraal ay soo saareen Africom ayaa lagu sheegay in weerarkii Mareykanka iyo ciidamada Soomaalida ay ka filyeen Bariibe August 25, 2017-kii ay ku waxyeeloobeen oo keliya koox hubeysan oo aanu rayid ku jirin.

“Kadib markii aan qiimeyn guud ku sameynay howlgalkii ay hoggaaminayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka dhacay Bariire August 25, 2017-kii iyo sheegashada ah in rayid halkaasi ku dhinteen, Baaritaan ay sameysay U.S. Special Operations Command Africa (SOCAF) waxaa ka soo baxay in dadka halkaasi lagu dilay ahaayeen koox cadaw ah oo hubeysan” sidaasi waxaa lagu sheegay qoraalka

Dowladda Mareykanka waxaa uu ku doodaysaa  in mar walba inta aaney weerar qaadin ogyihiin halka ay ku socdaan iyo waxyeellada rayidka soo gaari karta“Inta aan howl-gal la gelin ciidamada Soomaaliya, SOCAF waxaa qorsheysaa in waxyeelo soo gaari-karto dad rayid ah iyo in loo hoggaansamo xeerarka dowliga ah ee xilliyada dagaalka la xiriira, waaxda difaacana waxaa ay mar walba si baartaa eedeymaha la xiriira waxyeellada rayidka.

Meydadka dadkii lagu dilay Bariire waxaa la aasay August 31, 2017, kadib markii dowladda federaalka ah ay bixisay magdhaw.

Qaar ka mid  ehlada dadkii la diley ayaa u sheegay Goobjoog News, in dolwadda Federaalka ay bixisay 100 kun oo doolarka Maraykanka ah, taasi oo lagu sheegay iney tahay duugta 10-kaasi qof.

Sidoo kale dowladda ayaa la sheegay iney bixin doonto magdhowga 10-kaasi qof, waxaana ruux walbo ay magdhow ahaan uga bixin doontaa 70-kun oo doolarka Maraykanka ah.

Dhinaca kale, ehlada dadkii la diley ayaa u sheegay Goobjoog News, in loo keenay gaari iyo hantikale oo ay lahaayeen beeraleydii la diley.

Goobjoog News