U bood dhigaalka

Mareykanka: Dood Ka Taagan Soomaalidii Lagu Dilay Habeenkii Black Hawk Down

Sheeko:Amniga

Qaar ka mid ah askartii Mareykanka ee ka qeyb gashay dagaalkii Muqdisho ee October  3 ama “Black Hawk Down” ayaa weerar afka ku qaadey Ilhaan Cumar oo  ka tirsan Congress-ka Mareykanka kadib markii la helay Tweet ay qortay October 2017-kii kaas oo ay ku sheegtay in dadka qaar ay iska indho tirayaan in ciidamada Mareykanka ay kumannaan ku dileen Soomaaliya.

Marka laga soo tago askarta, waxaa jira dad badan oo difaacey Cumar, waxaa sidoo kale jiray buug lagu magacaabo “Black Hawk Down: A Story of Modern War” (1999) uu qoray Mark Bowden kaas oo dadka Soomaalida ah ee maalintaas dhintay ku qiyaasay ilaa 700

Qoraallada qaar ayaa qaba iney gaarayaan ilaa 1,000, laakin ma jirto warbixin rasmi ah oo arrintaas laga soo saarey.

October 3, 1993: Ciidamada sida gaarka u tabobaran ee Maraykanka ee loo yaqaano Rangers iyo Delta Force ayaa isku dayey in ay qabtaan Jeneraal Maxamed Farax Caydiid kaasi oo la tuhunsanaa in uu ku sugnaa Hotel Olympic ee xaafadda Howl-wadaag, balse dagaal halkaas ku dhex maray ciidamada Mareykanka iyo kuwa Caydiid, Mareykanka waxaa laga dilay 18 askari iyo in ka badan 70 halkaas ayaa lagu dhaawacay, Soomaalida waxaa la qiyaasaa in 500 ku dhinteen, halka  1,000 ka badana ku dhaawacmeen.

Goobjoog News