U bood dhigaalka

Mareykanka: Dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna Waa Iney Wada Hadlaan, Kana Fogaadaan Weecinta Doorashada

Sheeko:Amniga

Dalka Mareykanka ayaa sheegay inuu ugu baaqayo dowladda Soomaaliya iyo maamulka Ahlu sunna iney wadahadal bilaabaan, isla markaana ka fogaadaan wax uga dari kara xaaladda banii’aadnimo ee halista ah ama weecin kara waxyaabaha hortableynta leh sida doorashada.

Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Colleen Crenwelge oo wareysi gaar ah siisay Goobjoog News ayaa sheegtay in ay waajib tahay in labada dhinac wada hadlaan.

Colleen Crenwelge  oo arrinkan ka hadashay ayaa waxaa ay tiri “Marka laga hadlayo qalalaasihii Guriceel, waxaan sii wadi doonnaa inaan ugu baaqno dowladda Soomaaliya iyo Ahlu sunna iney wada hadal bilaabaan, si nabad ahna loo xaliyo khilaafka, oo wadahadal dheeraad ah waa laga maarmaan. Ma dooneyno wax uga sii dara xaaladda khatarta ah ee markii hore halista ah, isla markaana weeciya waxyaabaha hortabinta leh sida sii wadidda doorashada.

Goobjoog News