U bood dhigaalka

Mareykanka: Farmaajo Waxaan U Sheegnay In Uu Joojiyo Hadalada iyo Ficilada Hurinta Ah

Sheeko:Amniga

Mareykanka ayaa markale si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan.

War ka soo baxay kaaliya xoghayaha arimaha dibadda ee qaaradda afrika Mary Catherine Phee ayaa sheegtay in ay xiriir la sameyay Farmaajo iyo Rooble.

Kaaliyaha ayaa sheegtay in farmaajo ay ugu baaqeen in uu joojiyo hadalada hurinta keenaya ee ka soo baxa xafiiskiisa.

“Waxaan maanta kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo baahida deg degga ah ee loo qabo in la joojiyo hadallada iyo ficillada xiisad abuurka ah. Waxaan ku booriyey inuu ra’iisul wasaare Rooble ku taageero qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo in si deg deg ah loo dhameystiro doorashooyin la isku haleyn karo,” ayey tiri Phee.

Phee ayaa sidoo kale sheegtay in ay qadka taleefanka kula hadashay Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble, waxa ayna shaacisay in mareykanku uu taagrayo dadaalada uu ka wada doorashada.

“Waxaan shalay la hadlay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble si aan hoosta uga xariiqo taageeradeena ku aadan dadaalladiisa uu ku qabanayo kulanka Golaha Wadatashiga Qaran si loo saxo khaladaadka doorashada, si deg deg ahna loogu soo geba-gebeeyo doorashooyin xalaal ah. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada xiisad abuurka ah, ciidamada amniguna waa inay ahaadaan dhex-dhexaad,” ayey tiri.

Hadalka Mareykanka ayaa ku soo aday xilli uu cirka isku sii shareeray khilaafka u dhaxeeyo Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Roobel.

Goobjoog News