Mareykanka: Farmaajo Waxaan u Sheegnay in uu Kiiska Badda Ka Qaado Maxkamadda

Safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya  Kyle McCarter ayaa sheegay in uu safar ku yimid caasimadda Muqdisho, kalana hadlay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu dacwada badda  ka soo celiyo maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ.

Kyle McCarter oo wareysi gaar ah siiyey wargeyska afka dheer ee Daily Naition ayaa wax laga weydiiyo xalka Kiiska badda, waxaa uuna yiri “Waa in si dhaqso ah wax looga qabto, waxaan ka shaqeyney in madaxweyneyaasha  Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo  Kenyatta isugu yimaadaan miiska wada hadalka.

Safiirka Mareykanka ee Kenya oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Waxaan tagay Muqdisho si aan ula hadlo madaxweyne Farmaajo, waxaan u sheegay in kiiska badda ka qaado maxkamadda. Waxaan u sheegay Farmajo and Kenyatta in caqabadda ugu weyn ay tahay in laga adkaado Al-shabaab, taasina ay tahay jidka keliya ee looga faa’ideysan karo badda”.

Maxkamadda ICJ ayaa lagu wadaa iney dhageysato dacwada Soomaaliya iyo Kenya June sanadka dambe, waxaana la leeyahay waa balantii ugu dambeysay.

Cadaadiska Kenya ayaa ah mid ay ku dooneyso in madaxweynaha Soomaaliya uu kiiska ka soo qaado maxkmadda, muranka lagu dhameeyo wada ahadal.

Goobjoog News

Related Articles

One Comment

  1. Paper Writing Services Legitimate from our firm are of impeccable quality that assures of impressive performance in Custom Dissertation offered to clients and other projects related to Paper Writing Services Legitimate tasks.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW