U bood dhigaalka

Mareykanka, Ingiriiska iyo Qadar oo $10 Million Ugu Deeqay Wax Ka Qabashada Abaaraha Soomaaliya

Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Qadar ayaa Khamiista maanta ah waxay Muqdisho ku daahfureen iskaashi saddex geesood ah kaasoo looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa Abaaha soo noqnoqda ee Soomaaliya ka jira.

Munaasabadda daahfurka ah ayaa waxaa laga sheegay  in $10 milyan uga qeyb-qaadanayaan wax ka qabashada abaaraha iyo xaaladaha bini’aadanimada Soomaaliya. taas oo loo aaneeyo  saameynta  Isbedelka cimilada.

Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan lagu guda jiraa xilliga Roobka Gu’ga, waxaana magaalooyin dhowr ah ka dhacay Fatahaado iyo daadad ku rogmaday, taas oo ay ka dhalatay xaalad Bani’aadannimo oo ay wajaheen bulshada.

Goobjoog News