U bood dhigaalka

Mareykanka Iyo Ingiriiska: Waxaan Taageereynaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Sheeko:Amniga

Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa taageray shirka uu ra’iisul wasaare Rooble isugu yeeray madaxda dowlad gobaleedayda dalka si looga tashado horusocod siinta howlaha doorashada.

Safaaradda mareykanka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweysay shirka Rooble kaas oo ay ugu baaqday madaxda in ay xal uga gaaran doorashada.

“Waxaan sii wadeynaa inaan taageerno baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Wada-hadallada toddobaadkan ee Madashan horey u jirtay waxay muhiim u yihiin dedejinta hanaanka doorashada Soomaaliya iyo sixitaanka khaladaadka la arkay.”  ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka.

Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya dalkeenna Mss Kate Foster ayaa dhankeeda soo dhaweysay shirka Rooble uu madaxda golaha wadatashiga qaranka isbuucan isugu yeeray magaalada Muqdisho.

“Waxaan sii wadeynaa inaan taageerno baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Madashan muhiimka ah waa halka ay tahay in cabashooyinka iyo arrimaha wax looga qabto. Wadahadalka waa u muhiim wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo khaladadaadka la arkay iyo dedejinta hanaanka doorasho ee Soomaaliya,” ayeey tiri safiir Kate Foster.

Mareykanka iyo Ingiriiska warka ka soo baxay ayaa imaanaya xilli lagu kala aragti duwanaaday khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Goobjoog News