U bood dhigaalka

Mareykanka Iyo Ruushka Oo Is Dhaleeceeyay

Sheeko:Dalka

Dalalka Mareykanka iyo Ruushka ayaa is dhaafsaday dhaleeceyn ku aadan dalka Ruushka, kadib markii Mareykanka iyo xulufada ay duqeeyeen goobo ay degan yihiin ciidamada Bashaar Al-asad.

Ruushka ayaa duqeynta kadib waxaa uu golaha ammaanka ka codsaday in kulan degdeg ah la qabto, laakin waxaa la sheegayaa in uu Mareykanka arrinka duqeynta uu raalligelin ka bixiyay.

Ergeyga Ruushka ee golaha ammaanka ayaa sheegay in Mareykanka ay ku dhaqaaqeen duqeyn sal-fudeyd uu ka muuqdo, isagoo isweydiiyay sababta ay xilggan tilaabadaas u qaadeen.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay iska kaashadaan weerarada ka dhanka ah Daacish iyo Al-Nusra, arrintaas oo Mareykanka uu ka baxay.

Goobjoog News