U bood dhigaalka

Mareykanka Iyo Yurub Oo Eryaya Diblomaasiyiin Ruush Ah

Sheeko:Dalka

Dowladaha reer galbeedka ayaa ku dhawaaqay in ay erinayaan tobaneeyo diblomaasiyiin Ruush ah, arrintan ayaa ka dambeysa isku deygii Ruushka uu ku doonayey in uu ku dilo Sergei Skripal.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhankiisa go’aansaday in uu dalkiisa ka eryo 60 diblomaasi oo u dhashay Ruushka, ka dib markii ay ku dhawaaqeen Jarmalka, Faransiiska iyo Ukraine in ay arrintaasi ku raaci doonaan mareykanka.

Hoggaamiyayaasha midowga Yurub ayaa todobaadkii  la soo dhaafay isku raacay, in ay suurto gal tahay in Moscow ay lug ku leedahay sumeynta Sergei Skripal iyo gabadhiisa, balse Moscow arrintaasi waa ay iska fogeysay.

Goobjoog News