U bood dhigaalka

Mareykanka Kama Wada Bixi Doonno Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Inkasta oo dowladda Mareykanka ay go’aan ku gaartay in bilowga 2021-ka ay saareyso ilaa 700 askari oo ciidanka dhulka ah oo ka joogay Soomaaliya hadana wararka qaar ayaa sheegaya in aaney la wada bixi doonin.

Madaxa General Mark Milley  ayaa sheegay in ka tagayaan ciidamo kooban, si loo xaqiijiyo tiro yar si ay ugu baxdo qarsh yar.

Mareykanka oo sidoo kale ciidamada kala baxaya Afgaanistaan iyo Ciraaq ayaa sabab uga dhigaya iney yareeyaan qarasha iyo dadka ka jooga goobahaas.

Mareykanka ayaa lagu wadaa in ciidamada ay geeyaan dalalka dariska la ah Soomaaliya sida Djibouti iyo Kenya, waxaa kale oo laga yaabaa iney sii wadaan duqeynta cirka ee lagu bar tilmaameedsanayo Al-shabaab.

Goobjoog News