U bood dhigaalka

Mareykanka: Ma Dhaceyso Doorasho iyo Hannaan Isbarbar Socda

Sheeko:Amniga

Ambassador Yamamoto oo ah safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Zoom-ka kula hadlay qaar ka tirsan murashaxiinta madaxweynnimada Soomaaliya sida Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, Cabdinaasir Cabdulle iyo Cabdikarim Guuleed.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ayaa la sheegay’ Waxaan kala hadlay Guuleed, Xasan Kheyre, Cabdinaasir iyo Sheekh Shariif baahida loo qabo in la gaaro xal dhexdhexaad ah si loo qabto doorasho waqtigeeda ku dhacda oo xor iyo xalaal ah. Lama aqbalayo doorasho hal dhinac ah. Lama aqlabayo isbabar socda. Lama sameyn doonno habraacyo kala duwan. Lama aqbalayo qalalaaso’.

Arrinkan ayaa kusoo aadaya xilli 15 maalin uun ka hartay muddada xilheynta madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo iyada oo weli ay magacaaban yihiin guddiyadii lagu muransanaa.

Goobjoog News