U bood dhigaalka

Mareykanka oo $1.2 bilyan Ugu Deeqay Wax kaqabashada Abaarta Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Madaxa hey’adda US aid Samantha Power ayaa isniintii balanqaaday ilaa $1.18 billion Oo wax looga qabanayo abaarta ka jirta geeska Afrika, iyada oo ugu baaqday dalalka kale sida Shiinaha iney qeyb ka noqdaan dagaalka lagula jiro abaarta geeska Afrika.

Power waxaa ay caddeysay in iyada oo cudurka Covid uu baabi’iyey horumar iyo dadaallo 10 sano la waday ayaa hadana dagaallada sida mid Ukraine, isbadalka cimilada iyo arrimo kale ay uga sii dareen baahida jirta.

“Maanta waxaan dagaal kula jirtaa dhacdo wax burburisa, keliya ma aha in Malaayiin ay qarka usoo saran yihiin baahi, ee in badan oo ka mid ah waxay khatar ugu jiraan macluul” sidaasi waxaa ay ka sheegtay Center for Strategic and International Studies.

Power waxaa ay sidoo kale ka hadashay in 1,103 caruur ah ay dhinteen halka 7 milyan oo kale ay khatar ugu jiraan nafaqo-darro, iyada tusaale usoo qaadatay deganaanshiyo la’aanta ka jirta Soomaaliya, dagaallada ka socda Itoobiya iyo dhibootooyin kale oo ka jira dalalka kale.

Samantha Power waxaa ay balanqaaday  $1.18 oo ay Mareykanka ku bixinayaan arrimaha gargaar degdeg ah  oo ay ku jirto Galley, qamadi, digir loogu talo-galay caruurta nafaqo-darrida heyso iyo daawooyin lagu saacidayo xoolaha abaarta darteed u dhimanaya.

Goobjoog News