U bood dhigaalka

Mareykanka Oo 20-sano Kadib Isaga Baxay Afghanistan

Sheeko:Amniga

Kooxda Taliban ayaa bilawday rididda rasaas ay ugu dabaal dagayaan 20-sano kadib in Mareykanku uu isaga baxo gudaha Afghanistan.

Militeriga dalka Mareykanka ayaa soo Afjaray muddo 20-sano kadib howl gal ay ku joogeen dalka Afghanistan oo ay yimaadeen kadib weerarkii 11-September.

Qorshaha ka bixitaanka Mareykanka ayaa soo bilawday mudda dheer ka hor, xilli Mareykanku ku guuldarestay qorshahiisa la dagaalanka kooxda isugu yeerta dowladda Islaamka.

” Askarigii ugu dambeyay ee Mareykan ah ayaa ka tagay Afghanistan” ayuu yiri Maj. Gen. Chris Donahue, oo ah taliyaha guud ee ciidamada.

Madaxweynaha Mareykanka JOE BIDEN ayaa horay u sheegay in mareykanka qorshihii uu ka lahaa Afghan uu ka gaaray 10-sano ka hor, mareykankana uu dhulkaas u tagin in uu Afghanistan dal u dhiso.