U bood dhigaalka

Mareykanka oo $33 Bilyan ugu deeqay qaarada Africa

Sheeko:War
Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama
Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama

Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa ku dhawaaqay in dowladiisu ay lacag 33 bilyan ah ay ugu deeqday qaaradda Africa ,iyadoo ay jirto in Mareykanku uu loolan kula jiro Midowga Yurub iyo wadanka China.

Obama ayaa ballan qaaday in lacag dhan $14 bilyan ay shirkadaha ganacsiga ee Mareykanka ku maalgashan doonaan qaaradda Afrika, taasoo lagu hormarinayo adeegyada bankiyada, korontada iyo waxyaabo kale.

Balse madaxweynaha Mareykanka ee ka soo jeeda Africa ayaa qaaradda Africa umuujinaya in Mareykanku ay garab taaganyihiin.

“Madaxweyne ahaan ,waxaan caddeenayaa inaan go’aansaday inaan dhig lanoqodo qarada Africa waliba saxiibtinimo guuleeysata” ayuu yiri Obama waxuuna inta ku daray inaysan qaaradda oo kaliya fiirineyn balse qorshahu yahay sidii uu Marekanka u caawin lahaa dhammaanba dadka Afrika iyo gnacsatadooda.

Madaxweynaha Marekanka waxaa kalo uu hoosta ka xariiqay arrinta laxariirta xag jiriinta qaaradda Africa isagoo sheegay in kooxaha kala ah Al-shabab iyo Boko haram ay yihiin kuwa ugu khatarta badan Africa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha waddamada Afrika uga qeyb galaya shirka,waxaana lugu wada madaxweynaha iyo mas’uuliyinta kale ee dowladda Soomaaliya ka socda inay shirar gooni gooni ah la qaatay madaxda shirka ka qeyb-gashay.