U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Adis Ababa Ka Sheegay In Ay Taageerayaan AMISOM

Sheeko:Dalka

Safiirka Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobey Nikki Haley ayaa la sheegayaa in ay isniintii  xaaladda Soomaaliya uga hadashay kulan ay la yeelatay madax Afrikaan ah oo looga hadlay xaaladda Soomaaliya.

Kulankan waxaa uu dhacayaa maalmo kadib qaraxyadii mataanaha ahaa ee Oct. 14, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 358 halka dhaawacuna uu ka badan yahay 228.

“Waxaan sii wadeynaa taageerada aan siinno AMISOM” sidaasi waxaa ay Haley ku sheegtay shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Adis Ababa, ee dalka Itoobiya.

Bishii June, QM, waxaa ay jartay lacagta loo qoondeeyay AMISOM, waxaa laga jaray $570 million, waxaa ay noqotay miisaaniyadda $7.3 billion.

Booqashada Haley ee Adis Ababa oo ah lugtii ugu horeysay booqasho ay 3 dal ku tagi-doonto waxaa ay ku soo beegantay xilli uu dalkaasi joogo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Farmaajo waxaa uu Itoobiya iyo dalalka dariska ka raadiyay taageerada dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Goobjoog News