U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Amar Kale Duldhigay Dhinacyada Ku Shiraya Afisiyooni

Sheeko:Amniga

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa goordhaw war ka soo saartay shirarka hor dhaca ah ee magaalada Muqdisho ka socda .

Qoraal barta Twitter-ka Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho la soo dhigay ayaa loogu sheegay Madaxweeynayaasha Maamul gobaleedyada Dalka In ay si bilaa shuruud ah kaga qeyb galaan shirka .

 

Warka ayaa lagu yiri ” Waxaan ku boorineynaa Farmaajo inuu hubiyo kaqeybgal dhameystiran ee shirka ah iyo in heshiis laga gaaro doorashada. Waxaa kale oo ku boorineynaa Madaxweyneyaasha Madoobe, Deni, Qoorqoor, Lafta gareen iyo Guudlaawe waa iney ka qeyb galaan shuruud la’aan.”