U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Cabsi Ka Muujiyay Weeraro Kaga Yimaada Al-Qaacidda

Sheeko:Amniga

Saraakiil sare sare oo ka tirsan ciidamada Militeriga Mareykanka ayaa ka digay suura galnimada ururka Al-qaacidda ay ku soo weerari karaan gudaha Mareykanka Sanad gudihiis.

Mark Milley, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa golaha Wakiilada Mareykanka ee Congress-ka ka horsheegay in ka bixitaanka Mareykanka ee Afghanistan kadib ay suura gal tahay in ay weerar ku soo qaadaan gudaha Maraykanka.

“Taliban ma aysan jarin xiriirkii ay la wadaagayeen kooxda mas’uulka ka ah weerarkii 9/11, iyaga laftooduna wali waa argagixiso,” ayuu yiri Janaraal Milley.

Senatorada golaha ayaa Sarkaalka iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamad Militeriga Mareykanka su’aallo hor dhigay xilli looga yeeray fadhiga oo su’aallo lagu weydiinayay.
Mudanayaasha ayaa sidoo kale su’aallo ka keenay sababta Mareykanka uu ula socon waayay in ay bur buri rabto dowladda Afghanistan.
Wasiirka gaashaandhigga Mareykanka  Lloyd Austin, ayaa dhankiisa sheegay in ciidamadii mareykanka uu tababarayay 20-ka sano laga adkaaday.
“Ciidanka Afghanistan ee aan labaatanka sano tababareeynay waxa laga adkaaday iyaga oo aanan xal xabad ah ridin” ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga Mareykanka  Lloyd Austin.
26-kii bishii hore intii uu socday howl galkii ka bixitaanka Mareykanka ee dalka Afghanistaan in ka badan 182 qof ayaa qarax lagu dilay kuwaas oo ay ku jiraan 13 ka mid ah Askarta Mareykanka.
Dowladdii uu hogaaminayay Madaxweyne Ashraf ghani ayaa meesha ka baxday kadib markii kooxda Taaliiban ay la wareegtay gacan ku heynta Kabul iyo gobalkada kale ee dalka.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa horey u sheegay in Mareykanka uu 10-sano ka hor fushaday qorshihii uu Afghanistan u tagay, taas oo uu ula jeeday in ay Toban sano ka hor dileen hogaamiyihii Al-qaacidda ee Usama Binu-ladi.
Goobjoog News