U bood dhigaalka

Mareykanka oo Cali Dheere iyo Cabdiqaadir Cikrama Ku Daray Liiska Argigixisada, Saareyna Cunaqabateyn

Sheeko:Amniga

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa jimcihii soo saartay liiska 5 ka tirsan Islaamitiinta Afrika, iyada oo sheegtay iney ku dartay liiska argigixisada, saartay cuna-qabateyn.

Dadkaas waxaa ka mid ah Cali Raage(Dheere) oo ah afhayeenka xarakada Al-shabaab iyo madaxa hawl-gallada ururka Cabdiqaadir Maxamed Cikarama.

Waxaa kale oo ku jira Bonomade Machude Cumar, oo dhaq-dhaaq ku heysta Mozambique, Sidang Hitta iyo  Salem Ould al-Hasan, oo ka tirsan saraakiisha sarsare ee Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin.

Goobjoog News