U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Ciidamo U Soo Diray Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay ciidamo u soo dirtay Soomaaliya, ciidamadan ayaa tababar iyo musaacado kale siin doona ciidamada xoogga dalka.

Waa qeyb cusub oo lagu daray ciidamada horay u joogay dalka, waxaa ay ujeedkoodu tahay la dagaalan-ka kooxaha dowladda ka soo horjeeda, sidaa waxaa sheegay wasaaradda arrimaha dibadda.

Mareykanka waxaa uu si joogta ah u duqeeyaa xarumaha Al-shabaab, sanadkii hore waxaa uu sheegay in 150 ay ka dileen Al-shabaab, duqeynta ayaa ka dhacday meel 120 Mile oo u jirta Muqdisho, Pentagon-ka waxaa uu sheegayaa in uu dhowr todobaad ilaalo ka hayey xaruntaas ay ku tababaranayaan.

Bishii hore, Madaxweynaha Mareykanka waxaa uu ogolaaday qorshe lagu bartilmaameedsan karo goobo ay xataa joogaan dad rayid ah, iyada oo aan wax ogolaashiyo ah la sugin.

Goobjoog News