U bood dhigaalka

Mareykanka oo Cumar Cabdirashiid Kala Hadley Isku Dhafka Ciidamada

Sheeko:Dalka

Waxaa aqalka Pentagon ee militariga Mareykanka looga taliyo ku kulmey Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid iyo ku xigeenka xoghayaha difaaca Mareykanka Bob Work , waxayna ka wada hadleen arrimo ku saabsan hawlgalada ciidamada ee ka socda Soomaaliya.

Ku xigeenka Xoghayaha difaaca Mareykanka ayaa Ra’isulwasaaraha iyo waftigiisa oo uu ka midyahay wasiirka difaaca Cabdiqaadir Cali Diini u sheegey in dowladiisu ay aad u daneyneyso isku dhafka ciidamada si dhaqso ah.

Waxa kale oo uu ammaanay guulaha ay soo hoyiyeen guutada Danab ee uu Mareykanku maalgaliyo ee sida gaarka u tababaran.

Ra’isulwasaaraha ayaa sheegey in hawlgalada amniga ee Soomaaliya ay marayaan meel wanaagsan, loona baahanyahay in labada dhinac ay wada shaqeeyaan.

Waftiga dowladda ayaa maalmahan ku sugan dalka Mareykanka, iyaga oo ka qeybgalay shir golaha amniga Qaramada Midoobey.

Goobjoog Mews