U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Cunaqabateyn Ku Soo Rogay Sarkaal Ka Tirsan Eritrea

Sheeko:Amniga

Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Eritrea, kaas oo ay ku eedeysay in uu qeyb ka ahaa gabood faladii ka dhacay Gobalka Tigrayga intii lagu guda jiray dagaaladii qaraara ee ciidamada Dowladda iyo Xisbiga TPLF u dhaxeeyay.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay in  Jeneral Filipos Woldeyohannes, oo ah madaxa shaqaalaha ciidamada Eritrea, ayaa la sheegay in uu mas’uul ka ahaa kufsi, dhac iyo dilal ka dhacay gobalka.

Generalka ayaa sidoo kale lagu eedeyay in uu amray dad dilka dad shacab ah oo lagu dilay Tigrayga ee dalka Itoobiya.

“Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay hoggaamiye ka tirsan Ciidamada Difaaca Eritrea oo la xiriira xadgudubyo ba’an oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay Itoobiya. Waxaan ku boorinaynaa Eritrea inay ciidamadeeda kala baxdo Itoobiya iyo in dhammaan dhinacyada isku haya ay u hoggaansamaan xabbad -joojin wada xaajood ah oo ay joojiyaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha”, ayuu yiri Xoghayaha guud ee arimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken.

Goobjoog News